Thursday, September 11

Ranil Wickremesinghe oo ah siyaasi rug caddaa ah ayaa maanta loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Sri Lanka, maalin ka dib markii uu ku guuleystay cod bixintii baarlamaanka.

Ranil Wickremesinghe ayaa ku booriyay shacabka dalkaasi in ay isku yimaadaan si ay u helaan hab ay uga baxaan dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi uu la tacaalayay muddo tobanaan sano ah.

Sri Lanka oo ay ku nool yihiin 22 milyan oo qof ayaa waxaa curyaamiyay dhaqaale xumo ba’an oo ugu dambeyn abuurtay xaalad waxyaabaha daruuriga u ah nolosha sida shidaalka, cuntada iyo dawooyinka in ay gabaabsi noqdaan.

Exit mobile version