Friday, September 12

Dowladda Spain ayaa ku dhawaaqday in la kordhiyay shaqaalaha gurmadka deg-dega ah ee ka qayb qaadanaya baadigoobka Dadka lagu waayay Daadadka ku rogmaday Dalkaas bartamihii todobaadkaan iyada oo xaalad degdeg ah la geliyay halkaas.

Dhimashada inta diiwaangashan waa 155 ruux inkasta oo ay jiraan ilo kale oo intaas ka badinaya, dadka la waayay ee baadigoobkoodu socdo ayaa kor u dhaafaya 100 ruux iyada oo Dowladda ay xoogga saartay in la raadiyo dadkaas la waayay.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Spain Pedro Sánchez ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya waaya-aragnimadooda in ay billaabeen howsha lagu raadinayo dadka la waayay ee xogtoodii ugu dambeysay muujineysa inay halkaas joogeen.

Pedro ayaa tilmaamay in qorshaha socda uu yahay in dhismaha dumay hoostooda laga raadiyo Dadkaas si ugu yaraan haddii ay geeriyoodeen meydkooda loosoo saaro, waxa uu kooxaha gurmadka ku dhiirrageliyay in ay kordhiyaan shaqada ay hayaan.

“Ahmiyadeenna ugu weyn waa in aan soo badbaadinaa Dadka lagu waayay Daadadka, waaya-aragnimada ugu muhiimsan hadda waa in la badbaadiyo intii suurtagal ah” Ayaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Pedro Sánchez

Waxaa la baajiyay guud ahaan kulamadii ciyaaraha, shaqooyinkii ka socday iyo adeegyadii kale ee loo tagi jiray deegaannada ugu badan ee daadadku saameeyeen in aanay usii kordhin khatarta digniinta laga muujinayo ee la xiriirta Daadadka.

Exit mobile version