Monday, June 29

17-bishan aynu ku guda jiro ee Juun, dawladaha Mareykanka iyo Iiraan ayaa saxiixay xabad joojin, waxaa si ku meel gaar ah dib loogu furay Marinka Hormus, waxaana hios u dhac weyn uu ku yimid qiimaha shidaalka dunida oo markii horeba sare ugu kacay xirnaashaha marinka Hormus iyo xiisadda dagaalka Bariga Dhexe.

Toban maalin kadib, Soomaaliya oo ka mid aheyd dalalkii uu sare u kaca ugu badan sameeyay qiimaha shidaalka ayay ganacsatada Soomaaliyeed weli iibinayaa qiimihii uu joogay intii uu xirnaa Marinka Hormus, dagaalka Bariga Dhexena socday.

Qaar ka mid ah darawallada mooto bajaajta ayaa qelo dhan ka muujiyay qiimaha sare ee la iibinayo shidaalka, xilki dunida kale uu hoos u dhac weyn sameeyay, iyaga oo arrintaan ku eedeeyaya ganacsatada shidaalka, sidoo kalena baaq u diday dawladda Soomaaliyeed.

Ka hor dagaal Bariga Dhexe, qiimaha shidaalka halkii liitar waxa uu ahaa 0.65 sinti, halka maanta uu yahay 1.18 siti, taas oo ka dhigan 82% boqolkii uu sare u kacay qiimaha shidaalka. Lama ogo tallabada ay qaadinta doonto dawladda Soomaaliya ee ku aaddan isu dheeliturka qiimaha shidaalka iyo guud ahaan badeecadaha kala duwan laga soo dhoofiyo dalka dibaddiisa.

Exit mobile version