(Hortabin Media) – Gudaha dalka waxaa weli la isticmaalaa Barnaamijka Qamaar 1XBET Iyo aallada xiriirka bulshada ee Telgram-ka kuwaas oo ay dowladda Soomaaliya dhawaan mamnuucday.
Dowladda ayaa shirkadaha bixiya Internetka fartay in ay xiraan aalladahan, balse tallaabadaasi ma noqon mid diida in ay dadku isticmaalaan aalladahan.
Shirkadaha ayaa fuliyey amarka dowladda, waxaase caqabad noqotay in dhallinyaradu ay weli isticmaalayaan aalladahan, iyagoo u maraya habab kale, sida in ay soo dejistaan barnaamijka loo yaqaan VPN, kaas oo saamaxaya in webstyada la xanibay ay booqdaan .
Qamaarka 1XBET ayaa weli ah caqabad hareysay dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana iyagoo faa’iido doon ah uga lunta dhaqaalaha kooban ee jeebkooda ku jira.
Sidoo kale aallada Telgram-ka ayey dhallinyaradu u isticmaalaan sifooyin qaldan, waxaana jira qolol lagu faafiyo waxyaabo dhaqan xumo ah, oo ka fog diinteena Islaamka.