Thursday, September 11

Amb. Abuukar Baalle oo ah Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa masuuliyadan qabanaya, taas oo ka dhigan in Soomaaliya ay la wareegtay Hoggaanka kormeerka joogtada Midowga Afrika ee Qaramaya Midoobay.

Amb. Abuukar Baalle ayaa la filayaa inuu dhawaan khudbad ka jeediyo xarunta Qaramada Midoobay, waxaana khudbada nuxurkeeda uu ku wajahan yahay masuuliyada cusub ee ay Soomaaliya la wareegtay iyo ahmiyada howlaha horyaalla

Xilka loo dhiibay Amb. Abuukar Baalle iyo howlaha uu xafiiskiisa qaban doono ayaa noqonaya, in si toos ah uu uga shaqeeyo aragtida iyo danaha wafuudda dalalka Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.

Xafiiskiisa howlaha loo igmaday ayaa waxaa qeyb weyn ka ah, isku xirka xiriirka diblomaasiyadeed ee xafiiska joogtada ah ee Afrika ee Qaramada Midoobay, wuxuuna sidoo diirada saari doonaa ilaalinta xiriirka ka dhaxeeya dalalka midawga Afrika, isagoo door wacan ku yeelanaya horumarinta ama dar dar galinta howlahooda.

Exit mobile version