Dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka mid noqday dalalka ku bahoobay wakaalada tamarta Nukliyeerka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IAEA, kadib shir shirweynaha Hay’adda Atoomikada Adduunka oo meertadiisa 68-aad ka dhacay Magaalada Veina dalka Austria.
Hay’addan IAEA, ayaa u xilsaaran ururka Qaramada Midoobay ilaalinta Nukliyeerka iyo la socodka xaaladdaha Atoomikada adduunka, waxaana shirweynaha sanadkan lagu ballaariyey xubnaha dalalka hay’adan qeybta ka ah, kuwaas oo gaaray 178 dal.
Shirkan waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Xamse Adan Xaadow, kaas oo ka mid noqoshada hay’adan ku tilmaamay arrin leh ahmiyad gaar ah, oo kaabeysa dowladnimada Soomaaliya.
Xoghayaha ayaa carabka ku dhuftay in qiimo ballaaran ay leedahay in macdanta dalku leeyahay la hormariyo taas oo u sheegay inay qayb muhiima ka qaadan doonto in si sharci ah oo waafaqsan nidaamka calaamiga ay kula soo baxaan, wuxuuna intaasi ku daray in Caalamku uu u guuray koronto ama tamarta Nukliyeer ah.