Dowladda Soomaaliya ayaa ku biirtay guddiga fulinta is-baddelka cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka, kaas oo sanadihii ugu danbeeyey ay dadaal ugu jirtat ku biiristiisa.
Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 7-aad ee guddigan si rasmi ah ugu biira, waxaana ku biiristooda ajiibay dhamaan lixdii dal ee xubnaha ka ahaa guddigan.
Munaasabad ka dhacday dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu shaaciyey, go’aanka ay Soomaaliya ugu biireyso guddiga fulinta maaliyadda ee is-baddelka cimilada.
Madasha lagu shaacinayey go’aankan waxaa goob joog ka ahayd wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Makhzumi, taas oo halkaas uga qeyb galeysa shir looga hadlayey is-baddelka cimilada.
Wasiirada ayaa intii ay shirkaasi ku sugneyd, waxey xubnaha guddigan ka dhaadhicisay muhiimada Soomaaliya ay u leedahay in guddigan lagu daro.
Soomaaliya ayaa qeyb ka ah wadamada ku dhib qaba is-baddelka cimilada, waxaana mar walba lala qeylo dhaamiyaa saameynta is-baddelka cimilada, maaddaama aanu dalku u diyaar garoobin la tacaalida arrimahaasi.