Friday, May 1

Dowladda Somalia ayaa ku baaqday in la kordhiyo dadaallada caalamiga ah ee wax looga qabanayo yaraanta biyaha, iyadoo ka digtay in isbeddelka cimiladu uu sii xumeynayo helitaanka biyo nadiif ah ee bulshada nugul.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa hadalkan ka jeediyay shir heer gobol ah oo ka dhacay Addis Ababa, kaas oo diiradda lagu saaray horumar waara iyo arrimaha biyaha.

Wasiirka ayaa sheegay in isbeddellada cimilada, kobaca magaalooyinka iyo maalgelin la’aanta ay culays saarayaan kheyraadka biyaha, taas oo halis gelinaysa nolol maalmeedka bulshada iyo awooddooda la qabsiga xaaladaha cusub.

Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in helitaanka biyo nadiif ah uu laf-dhabar u yahay horumarka bulshada iyo la tacaalidda saameynta cimilada, isagoo ku baaqay iskaashi caalami ah iyo maalgelin dheeri ah si loo gaaro yoolka caalamiga ah ee biyaha nadiifta ah.

Geesta kale, gobolka Geeska Afrika ayaa sanadihii u dambeeyay wajahaya abaaro soo noqnoqday, iyadoo Somalia ay ka mid tahay dalalka sida weyn u saameeyay, taas oo muujineysa baahida loo qabo xalal waara oo lagu xoojinayo adkeysiga biyaha iyo nolosha bulshada.

Exit mobile version