Addis Ababa (HM) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shirka caalamiga ee Madasha Tana, waxaana garoonka dayaaradaha ee magaaladda Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale.
Shirka oo diiradda lagu saari doono arrimaha amniga ee guud ahaan Qaaradda Afrika ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Xamse uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneysa taas oo uu kaga warbixin doono xaaladda amniga ee Soomaaliya gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo duceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah madaxda ka qayb-galeysa shirka, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada, General Sulub Axmed Firin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdixakiim Xasan Ashkir, Senator Ilyaas Beddel Gaboose, La Taliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Axmed Dhaqane