Saturday, September 13

Dowladda Soomaaliya ayaa eedo culus u jeedisay dalka Itoobiya, oo waqtigan ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeediyey shirka ay yeesheen Golana Amaanka, ayaa duray qorshaha ay ciidamada Itoobiya ku joogaan Soomaaliya.

Fiqi ayaa qorshahaasi ku tilmaamay mid dhul ballaarsi ah, wuxuuna cod dheer ku sheegay in Itoobiya ay maalin walba ciidan usoo dirto Soomaaliya, kuwaas oo aan heysan wax sharciyad ah.

Fiqi ayaa dhanka kale bogaadiyey dadaalada ay wadaan ciidamada dowladda, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in ay ku filnaadaan amniga dalkooda.

Exit mobile version