Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dejinta xiisadaha iyo xoojinta nabadda caalamka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu yahay mid waqtigiisa ku soo beegmay, isla markaana gacan ka geysanaya yareynta colaadaha, dhisidda kalsoonida iyo ilaalinta amniga gobolka iyo kan caalamkaba.
Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay doorka Mareykanka ee hoggaaminta dadaallada lagu xakameynayo xiisadaha, waxayna aqoonsatay ka qeybgalka Iiraan ee wadahadallada horseeday heshiiska.
Dowladda Federaalka waxay si gaar ah ugu mahadcelisay dalalka Pakistan, Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Masar oo kaalin muuqata ka qaatay dhexdhexaadinta, taasoo sahashay in labada dhinac ay gaaraan is-afgarad.
Iyadoo Soomaaliya ay si dhow ula xiriirto amniga Badda Cas iyo guud ahaan gobolka Khaliijka, waxay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in si dhab ah loo hirgeliyo heshiiskan, isla markaana la sii wado wadahadallo nidaamsan oo lagu gaari karo xal waara.
Dowladdu waxay sidoo kale xustay in amniga marin-biyoodka iyo socodka ganacsiga caalamiga ah ay yihiin arrimo muhiim u ah xasilloonida gobolka iyo adkeysiga dhaqaalaha dunida.
Soomaaliya waxay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xalinta khilaafaadka si nabad ah, ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, iyo doorka muhiimka ah ee diblomaasiyadda.
Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskan xabbad-joojinta uusan ahayn dhammaad, balse uu yahay bilow loo baahan yahay in lagu dhiso nabad waarta oo ku saleysan wadahadal, is-ixtiraam iyo mas’uuliyad wadajir ah, iyadoo muujisay diyaar garowgeeda ku aaddan taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

