Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Wang Yu, ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo taageerada labada dhinac ee ku aaddan difaaca madaxbannaanida qaran iyo sugidda amniga Shiinaha iyo Soomaaliya.
Labada masuul ayaa muujiyey go’aan adag oo ay ku sii xoojinayaan wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca.
Safiirka Shiinaha ayaa caddeeyay in ay Soomaaliya ka taageerayaan dhinaca Amniga gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah AS iyo dardar galintiisa.
Sidoo kale, Safiirka ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay ilaalinta Madaxbanaanida iyo midnimada labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo saaxiibo dhow ah.
Dhankiisa, Taliye Odowaa ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan garab istaaga Shiinaha, isla markaasna ay wadaagaan dano kala duwan labada dal.
Kulanka Taliyaha iyo Safiirka ayaa ku soo aadaya xilli Shiinaha uu digniin adag u diray Somaliland iyo Taiwan oo dhawaan kala saxiixday heshiis ilaalada xeebaha, kaasi oo lagu tilmaamay mid xad gudub ah.