Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada, iyo taageerada lagu horumarinayo hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada dhuleed, madax-bannaanida iyo wadajirka labada dal.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.
Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa muujiyey sida ay dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku xoojinayso xiriirrada caalamiga ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee lagu taageerayo amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka.

