Thursday, September 11

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Abshir Cumar Jaamac Huruse oo booqasho ku tagay dalka Ruushka ayaa halkaasi kula kulmay dhigiisa dalkaasi Sergey Lavrov, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku qotoma wanaajinta xiriirka labada dal.

Kulanka intii uu socday dhinacyada ayaa isku afgartay in sare loo qaado xiriirka labada dal, oo aad u hooseeyey sanado badan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse oo kulanka kadib hadal kooban yiri, ayaa sheegay in xoonjinta xiriirkan ay saladhig u tahay iskaashi iyo wax wada qabsi.

Dhanka kale Sergey Lavrov ayaa tilmaamay in iskaashigoodu uu dhinacyo badan taabanayo, marka la eego, wuxuuna bogaadiyey in dib loo soo nooleeyo xiriirka labada dal.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa jaal siyaasadeed ahaa muddo fog, wuxuuse xiriirkooda hoos u dhacay sanadkii 1978-dii, markaas oo ay Dowladii kacaanka xiriirka u jartay dalka ruushka oo qeyb ka ahaa Midowgii soofiyeeti iyo Xulafadii la jirtay, sababo la xiriira dagaalkii Itoobiya ee 1977-dii. 

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version