Friday, September 12

Dowladda Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah la yeelatay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo kulankaasi lagu lafa guray arrimo leh ahmiyad weyn.

Kulankan ayaa waxaa Soomaaliya wakiil uga ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige, kaas oo kulan la qaatay ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. George Conway, oo sidoo kale ah uqeybsamaha isku-duwidda howlaha bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa lagu falanqeeyey dadaalka Soomaaliya ee arrimaha deyn cafinta, oo iminka maraya meel muhiim ah.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay, sidii Qaramada Midoobay ay kaalin bani’aadminimo uga qaadan lahayd fatahaadaha iyo daadadka El-nino ee saameeyey Soomaaliya.

Hannaanka deyn cafinta Soomaaliya ayaa maraya meel aad u wanaagsan, waxaana lagu wadaa in bishan gudaheeda Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa mudada dheer.

Exit mobile version