Thursday, September 11

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige, ayaa kulan la yeeshay Wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub oo ay hogaaminaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga hadlay arrimaha la xiriira iskaashiga labada dhinac, iyada oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista taageerada miisaaniyadeed ee midowga Yurub.

Sidoo kale, waxaa carrabka lagu dhuftay taageeradii hore ee midowga Yurub ugu deeqeen Dowladda Soomaaliya oo hada wajigiisii 1-aad uu gabagabo yahay, si gaar ah waxaa laga wada hadlay qorshaha taageerada oo socondoona ilaa iyo 2027-ka.

Kulanka ayaa kusoo aadayo xilli dowladda Soomaaliya isu diyaarineyso in dhammaan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Exit mobile version