Thursday, September 11

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wada hadal dheer ka yeeshay arrimo la xiriira furista xuduuda labada dal ee jaarka ah.

Kulankan oo ahaa mid heerkiisu sareeyo ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirrada, arrimaha dibadda, Amniga iyo Difaaca halka kenya ay uga qeyb galeen Wasiirrada Gaashaandhiga iyo midka arrimaha dibadda.

Kulanka ay dhinacyadu yeesheen ayaa diirada lagu saaray sidii dhawaan loo furi lahaa xuduuda labada dal, taas oo ay madaxdu isku raaceen in la dar dar galiyo.

Waxaa sidoo kulanka looga hadlay, arrimaha amniga, iyo habkii labada dowladood ay isku weydaarsan lahaayeen xogaha sirdoon ee ka dhan ah Al Shabaab, oo khatar amni ku heysa labada dal.

Mudooyinkii ugu danbeeyey dadka Soomaaliyeed ayaa dhibaato adag kala kulmayey marida xuduuda ay Soomaaliya la leedahay Kenya, oo inta badan ciidamada Kenyaanku ku dhibaan Soomaalida.

Waxaa xusid mudan in Al Shabaab 5-tii sano ee la soo dhaafay, ay ku xooganayeen Xuduuda Kenya Iyo Soomaaliya, waana kuwo inta badan ka geysta weeraro toos ah iyo kuwo qaraxyo ay u adeegsadaan.

Exit mobile version