Thursday, September 11

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashiyo siyaasadeed kadib kulamo heer wasiir ah oo Muqdisho ku dhexmaray labada dhinac. Heshiiskan ayaa lagu sheegay inuu dhisayo hannaan rasmi ah oo lagu joogteeyo wadahadalka siyaasadeed iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal.

Labada wasiir arrimo dibadeed, Cabdisalaam Cabdi Cali oo Soomaaliya ah iyo dhiggiisa Jabuuti Cabdoulkader Houssein Omar, ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo lagu xoojiyo amniga, xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha guud ee labada dal.

“Heshiiska aan la saxiixanay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti waxa uu saldhig u yahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo horumarinta amniga gobolka, si aan u gaarno nabad waarta iyo barwaaqo mideysan.”Wasiir Cabdisalam Cabdi Cali.

Intii lagu guda jiray wadaxaajoodyada, labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo caalami ah oo ay danaha ka leeyihiin iyo sida Geeska Afrika looga dhisi karo iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah. Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa la tilmaamay inay leeyihiin xiriir qoto dheer oo taariikhi ah iyo walaaltinimo soo jireen ah oo saldhig u noqotay wada-shaqeynta hadda la xoojiyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maantana sagootiyay dhiggiisa Jabuuti ka dib booqasho afar maalmood ah oo uu ku joogay Muqdisho. Labada wasiir ayaa inta lagu guda jiray booqashada kala saxiixday heshiisyo kale oo ku saabsan tababarro iyo iskaashi dhinaca diblomaasiyadda.

Booqashadan ayaa loo arkay mid adkeyneysa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyadoo labada dhinac ay isla garteen in la joogteeyo kulammada mustaqbalka si loo dardargeliyo danaha guud ee labada dal ee deriska iyo walaalaha ah.

Exit mobile version