Thursday, September 11

Qodobada heshiiska is-afgaradka ah ee ay kala saxiixdeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Eritrea.

1- Adkaynta xiriirka labada shacab oo ay ku jiraan qurbajoogta labada dal.

2- Xoojinta wada-shaqaynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo, loona horumariyo danaha labada qaran.

3-Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

4- Sare u qaadidda iskaashiga dhinaca dhaqanka, suugaanta, ciyaaraha iyo sayniska.

5- Adkaynta wada-shaqaynta ilaalinta iyo horumarinta deegaanka iyo wax ka qababashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.

6- Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.

Maxamed Xuseen, Hortabin Media

Exit mobile version