Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Muscat kula kulmay dhiggiisa dalka Cumaan, Sayid Badr bin Hamad Al Busaidi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray kobcinta iskaashiga labada dal, horumarinta danaha wadajirka ah, iyo xaaladaha gobolka Geeska Afrika, iyadoo la adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta caalamiga ah ee amniga, xasilloonida iyo horumarka waara.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa markale caddeeyay taageerada dalkiisu u hayo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in Cumaan aysan aqoonsanayn wax maamul ah oo ka baxsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Cumaan doorkeeda diblomaasiyadeed iyo taageerada ay siiso nabadda, wada-hadalka iyo xasilloonida gobolka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka socotay labada dhinac.

