Friday, September 12

Cilmi baaris ay sameeyeen qaar ka mid ah quburada ku taqasustay cilmiga dhaqaalaha ayey ku soo bandhigeen faa’idada iyo khasaaraha ay isticmaalka lacagaha danabeysan ku leeyihiin arrimaha dhaqaaalaha dalka.

Dr Shaafici Shariif Maxamed waa madaxa ururka cilmi baarayaasha Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo SRA waxana uu ka waramay waxyaabaha ay ku ogaadeen daraasada ay dhawaan ku sameeyeen lacagaha danabeysan ee taleefanada la isugu diro iyo goorta ay arrintani soo billaabatay.

Dr shaafici ayaa dhinaca kale sheegay in bankiyada dalka ka jira intooda badani ay maalgashteen lacagaha danbeysan ee taleefanada la isugu diro taasina ay keeni karto in sanooyinka soo socda ay soomaalidu ka mid noqoto bulshooyinka aan isticaamlin lacagaha kaashka ah.

Aqoonyahnada aaminsan in faa’iidooyin badan laga dhaxlay lacagah qaabka Electaronica la isugu diro ayaa waxaa ka mid ah Hormuudka kuliyadda Maamulka iyo Dhaqaalah ee jaamacada Banaadir Nuur Cabdulle Afrax.

inkastoo lacagaha danabeysan ee taleefanada la isugu diro ay faa’iido u leeyihin qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa misana waxaa jirta in dhinaca kale ay caqabado badani ku gadaaman yihiin kalsoonida lagu qabi karo isticmaalkooda sida uu tilmaamayo Cabdi Weli Maxamed Axmed oo bartay hoggaaminta iyo cilmiga dowliga ah.

Tan iyo wixii ka danbeeyey bur burkii dowladii soomaaliya waxaa meesha ka baxday isticmaalkii shilinka soomaaliga kadib markii baa’baday lacagtii ay soomaalidu lahayd waxana taa baddelkeeda iminka aad loo isticmaalaa lacagaha danabeysan ee taleefanada la isugu diro.

Exit mobile version