Maalintii Shalay ahayd Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday lacag kordhin ay ku sameysay qaadka Soomaaliya ay u iibkeento iyada oo halkii kiilo oo horay loo iibin jiray 700 oo shillinka Dalkaas ah una dhiganta $5.43 doollar waxaana ay ka dhigtay 1,300 oo shillin oo ah (Toban doollar).
Qiimahaan lagu kordhiyay waa laba laabka lacagtii horay Ganacsatada Soomaalida uga fadhiyay khaadka halkii kiilo, waxaa jiray culeys sababay in maalmihii lasoo dhaafay la joojiyo Jaadka Miraa ee Dalkaas ka baxa.
Wasiirka Beeraha Kenya Mutahi Kagwe, Ganacsatada Khaadka iyo Guddiga qaabaynta qiimaha Khaadka Miiraa oo kulamo kala duwan oo waqti qaatay yeeshay ayaa ugu dambeyn go’aankaan qiimaha cusub ku jaangooyay.
Ganacsatada Soomaalida ee ka ganacsatada qaadka ayaa arrintan wal wal badan ka muujinaya, waxana ay sheegayaan in aanay macquul ahayn in qiimahaasi ay jaadka ku keenaan Muqdisho, iyagoo xusay in aanay jirin cid lacagtaas jaad uga iibsaneysa.
Ganacsatada ayaa sheegay in qiimaha Kenya ay ku kordhisay Jaadka uu sababayo in Marduufkii Jaadka la iibiyo 150 dollar, taas oo sida ay sheegeen ah arrin aan suura gali karin, waxaana dowladda Kenya iyo beeraleyda ay ka dalbadeen in ay ka laabteen go’aankii ka soo baxay.
Kenya waxa ay Soomaaliya usoo dhoofisaa Khaad ay ka hesho ballaayiin Shillinka Dalkaas ah, sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ay ka hesho 13 Bilyan oo shillin 100,798, 010 taasina ay xoojisay dakhliga Xukuumadda Nairobi kasoo gala Dibadda.
Si Kastaba Tallaabadan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay uu hakad ku jiray qaadka laga keeno Kenya, kaas oo si weyn looga dareemay suuqyada lagu iibiyo Muqdisho, waxaana go’aanka hadda soo baxay uu sii kordhayaa saameynta qaadka ee Soomaaliya.