Thursday, September 11

Dowladda Turkiga ayaa wada qorshe ay dalkeeda uga masaafurineyso dadka soo galootiga ah ee aanan heysan sharciga joogitaanka dalkaasi.

Masuuliyiin u hadlay dowladda Turkiga ayaa ka dhawaajiyey in ay foogan yihiin sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen ku dhawaad Hal Malyan oo soo galooti ah, kuwaas oo badankooda ka soo jeeda dalka Suuriya.

Dadka la celinayo waxaa sidoo kale ka mid ah kuwa Soomaali ah, oo sida ay Turkigu sheegeen, ay  ka dhaceen sharciyadii joogitaanka dalkaasi.

Soomaali badan oo bilaa sharci ah, ama sifo sharci darro ah ku galay dalka Turkiga ayey arrintani caqabad xooggan ku noqoneysaa, waana kuwa badankooda u hanqal taagaya tahriib ay ku beegsadaan dalalka reer Yurub.

Exit mobile version