Friday, September 12

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u fara badan, ayaa waqtigan ku xaniban dalka Sudan oo uu dhawaan ka qarxay dagaal culus.

Dadka go’doonka ku jira, ayaa u badan arday dalkaasi wax ka baraneysay iyo qoysas kale oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo halkaas deganaa sanado badan.

Soomaalidan go’doonka ku ah Sudan, ayaa badankood ku sugan Gobollo ka fog Caasimadda, waxaana dhib ku ah soo galida Khortoum, oo ah halka ay socoto dirirta, waana marinka keliyah ee ay heystaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa u saartay guddi, dib usoo celiya dadkaasi Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay hortagay Golaha Wasiirrada, iyagoo uga waramay xaaladda dadkaasi iyo sida ugu haboon ee lagu soo badbaadin karo.

Guddiga ayaa sheegay in ilaa iyo iminka ay ku guuleysteen soo celinta muwaadiin gaaraya 1198 ruux, kuwaas oo tiradooda ugu badan ay yihiin arday wax ka baraneysay jaamacaha kala duwan ee dalka Sudan.

Exit mobile version