Xilliga xagaaga waxaa yaraada kalluunka laga soo jilaabto xeebaha dalka, sababo la xiriira dabeylaha xooggan ee dhacaya.
in ka badan 400 boqol oo kulluumeysato ah, kuwaa oo ku sugan Muqdisho ayaa walaac ka muujinayana shaqo la’aan xooggan oo la soo daristay.
Shaqo la’aantan ayaa sababtay dabeylaha socda xilligan xagaaga ah, waana kuwo ka cabsanaya in ay naftooda khatar galiyaan, maaddaama mowjadaha baddu ay aad u kacsan yihiin.
Doomaha yar yar ee ay wataan, ayaa ah kuwa aanan saamaxeynin, in ay gaaraan meelo dhaadheer, badda oo kacsan awgeed, taas oo ah arrinta soo de-dejisay inuu yaraado kalluunkii badda laga soo jillaaban jiray, iyaguna ay noqdaan shaqo la’aan.
Kalluumeysatada qaarkood ayaa inala wadaagay, in dabeylaha socda uu khasaare xooggan ka soo gaaray naftooda iyo maalkoodaba, waxaana ilaa iyo iminka la la’ yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen tiro kalluumeysato ah iyo doonyihii ay wateen.
Dowlada Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada ku shaqada leh kalluumeysiga, ayey ka dalbadeen in ay ku caawiso agab tayo fiican leh, kaas oo u oggolaanaya in ay gudaha u galaan badda, kuna nagaadaan saacado badan si ay usoo jilaabtaan kalluun fara badan.
Gudaha Muqdisho, qiimaha kalluunka ayaa dhinaca kale sara u kac aad u ballaaran laga dareemayaa, sababo la xiriira kalluunka la keeno suuqyada oo aad u yar, waana arrin keliftay in dadka inta badan ay iibsadaan hilibka xoolaha.