Thursday, September 11

Somtel ayaa abaal marisay isla markaana dalacsiisay gabadh lagu magacaabo Deeqo, taas oo ka mid ahayd shaqaalaha shirkada ee Simcards-ka shirkada wadooyinka uga iibiya bulshada.

Gabadhaan oo Simcards ku wareejineysa gudaha Gaalkacyo, ayaa la weydiiyey su’aal la xiriirta siyaasadda dalka, balse wey ka gaabsatay in weydiintaasi ay ka weedh-celiso, iyadoo ilaashaneyso howsha ay bulshada u heyso.

Deeqo Somtel wey ka dhowrsatay in ay aragtideeda cabirto, iyadoo ku guda jirta howl maalmeedkeeda Shaqo, maaddaama Shirkadu ay tahay mid Isgaarsiin, oo aanay arrimo siyaasadeed shaqo ku lahayn.

Arrintaasi ayaa sababtay, in madaxda Shirkada Somtel ay dalacsiiyaan Deeqo, isla markaana la siiyo abaal marin kala duwan oo aan ka xusi karno in lagu wareejiyey furaha Gaari ay iyadu leedahay.

Sheekada toddobaadkan ugu hadal heynta badan baraha Bulshada ee ay ku xariirto Soomaalida ayey noqotay arrintan, waxaana tallaabadan soo dhaweeyey dad aad u fara badan, kuwaas oo la dhacay sida ay gabadhan daacada ugu tahay shaqadeeda.

Exit mobile version