Friday, September 12

(Hortabin Media) – Maamulka Somaliland oo gooni u goosad ku dhawaaqay 1991-dii ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka ka socda gobolka Sool ay soo qaadeen is-baheysi, doonaya in ay wiqaan amniga deegaanada Somaliland.

Maamulka ayaa hoosta ka xariiqay in isbaheysigan uu ka kooban yahay 3 qeybood, kuwaas oo kala ah Puntland, Al Shabaab iyo wax ay ugu yeereen maleeshiyada garaadada Laascaanood, kuwaas oo sida ay sheegeen dhamaantood duulaan ku ah Somaliland.

Somaliland ayaa tilmaantay in dagaalkii ugu danbeeyey ee ka dhacay deegaanka Buqdharkeyn ee gobolka Sool, ay soo qaadeen xubnahaasi, oo ay ka bar bar dagaallamayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al Shabaab.

Maamulka Somaliland ayaa tilmaamay in weerarkaasi lagu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo lagu gubay aqalladii ay dadkaasi daganaayeen.

Hadalka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli toddobaadkan gudihiisa ay Buqdharkeyn ku dagaallamaeen  SSC Khaatumo oo garab ka helaysa Puntland iyo milatariga Somaliland.

Lammo ogga xaqiiqda dhabta ah ee la xiriirta in xubno ka tirsan Al Shabaab ay ka dagaallamayaan gobolka Sool, wallow arrintaasi ay beeniyeen maamulka Khaatumo.

Exit mobile version