Monday, September 15

Ciidamada SSC ayaa maanta la wareegay fariisintii ciidamada Somaliland kaga sugnaayeen duleedka Laascaanood, gaar ahaan aagga Goojacadde.

Dagaal khasaare badan gaystay oo saakay ka dhacay Goojacade ayaa sababay in halkaasi laga saaro ciidamada Somaliland.

Xoogaga SSC ayaa soo bandhigay, hub iyo maxaabiis badan oo ay ku qabsadeen dagaalka ka socda duleedka Laascaanood.

Ilaa iyo hadda maamulka Somaliland, wax war ah kama soo bixin, waxaana baraha bulshada buux dhaafiyey wararka la xiriira dagaalka Goojacadde.

Exit mobile version