Dadka ku abtirsada gobolka Awdal ayaa sheegaya in hannaanka dowladnimo aanan loo sinineyn, waxeyna tirsanayaan caddaalad darro ku aaddan saami qeybsiga dhinac walba ah.
Tabashadaasi oo jirta ayaa waxaa ku soo biirtay hadalo xanaf leh oo inta badan masuuliyiinta Somaliland ay ku yidhaahdaan dadka ka soo jeeda Awdal, taas oo xaaladda sii cakireysa.
Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda Awdal ee golaha Wakiilada Somaliland ku matala dadkaasi, ayaa xin iyo hadalo aan qurux badneyn kala kulmayey mudooyinka madaxda Somaliland, waana arrinta cirka ku sii shareertay xiisada jirta.
Maxamed Abiib ayaa si aad ah ugu ra’yi duwan habka uu Somaliland u daadihinayo Biixi, wuxuuna inta badan dusha uga tuuraa eedo kala duwan, oo ku qotomo inuu leeyahay masuuliyada heerka ay Somaliland Joogto, taas oo ka careysiisa Biixi iyo siyaasiyiinta ku heybta ah.
Qurba joogta ka soo jeeda Awdal ayaa indhaweyda qorsheynayey yagleelida maamul ay yeeshaan dadka Awdal, kaas oo ka madax bannaan Somaliland.
Inkastoo maamul ay ku dhawaaqeen haddana waa mid dibad joog ah oo aan soo gali karin, gudaha Somaliland, balse xaaladdaha jira ayaa keeni kara in gacan la isugula tago, isla markaana ay reer Awdal ku dhawaaqaan maamul ka madax bannaan Somaliland.
Soddonkii sano ee la soo dhaafay Somaliland waxey sheegeysay in ay tahay mid ka madax bannaan Soomaaliya, waxeyna gucla orad ugu jirtay ictiraaf caalamii ah, balse waqtiga waxa ay qubaradu sheegayaan in ay ku jirto xiligii ugu adkaa mudooyinkaasi.