Monday, September 15

(Hortabin Media) – Maamulka Somaliland ayaa kordhiyey duqeymaha uu ka geysanayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay duleedkeeda isku hor fadhiyaan xoogaga SSC iyo milatariga maamulkaasi.

Duqeymihii ugu danbeeyey waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana madaafiicdu ay ku dhaceen guryo ay degan yihiin dad rayid ah.

Xaaladda Laascaanood ayaa toddobaadkan kacsan, waxaana Somaliland ay dhagaha ka fureysatay baaqyo nabadeed oo ay u soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka iyo beesha caalamka

Muuse Biixi ayaa weli doonaya inuu awood ku maquuniyo dadka reer Sool, kuwaas oo sameystay maamul ka madax bannaan kan Somaliland.

Exit mobile version