Friday, September 12

Milatariga Somaliland ayaa Duqeymo xooggan saacadihii la soo dhaafay ku garaacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaafiicdan ayuu maamulku ka soo tuuray degaanka Gaajacade oo duleedka uga beegan magaalada Laascaanood, waana halka ay isku hor fadhiyaan iyaga iyo xooggaga SSC.

Lama ogga khasaaraha dhabta ah ee ay gaysteen madaafiicda, wallow wararka qaar ay sheegayaan in ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, haddana tiro sugan lama hayo.

Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogeysaneysa xiisada ka aloosan magaalada Laascaanood, taas oo dadkeedu diidan ka mid ahaashana maamulka Somaliland.

Maamulka Biixi ayaa doonaya inuu awood ku maquuniyo dadka reer Laascaanood, waana arrin dab ku sii shideysa xiisada ka taagan magaalada.

Exit mobile version