Friday, September 12

Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigtay sawirada diyaarado cusub, kuwaas oo markii ugu horeysay ay yeelan doonaan maamulkaasi.

Diyaaradahan oo uu maamulku ku tilmaamay kuwo Casri ah, ayaa waxaa kormeeray Madaxweyne Biixi, kaas oo sheegay in lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah oo u soo baxa Somaliland.

Sida ay Somaliland shaacisay askarta lagu tababarayo diyaaradahan ayaa daruusta qaadan doona muddo laba sanno ah, waxaana duruusta bixin doona macallimiin ajnabi ah.

Diyaaradahan ayaa dhanka kale abuuray hadal heyn aad u fara badan, waxeyna cabsi la soo daristay dadka reer Laascaanood, oo dhawaan dhistay maamul ka maddax bannaan Somaliland.

Cabsida jirta ayaa ah in Somaliland diyaaradahan ay u isticmaasho in ay ku soo weerarto Khaatumo, waaana sababta ugu weyn ee dhalisay hadal heynta.

Exit mobile version