Friday, September 12

Tan iyo markii milatariga Somaliland laga saaray Goojacadde, waxaa socday dadaalo ay maamulku ku qalabeynayaan ciidamadooda, si ay gacantooda ugu soo celiyaan goobihii laga saaray.

Waqtigan Somaliland ayaa ciidamo fara badan iyo hub culus keentay duleedka gobolka Sool oo ah halka la isku hor fadhiyo, waxaana ciidamada laga soo ururiyey deegaanada Somaliland.

Arrintan ayaa abuurtay walaac hor leh, waxaana saacadaha soo socda laga cabsi qabaa inuu qarxo, dagaal kale oo u dhaxeeya Somaliland iyo maamulka SSC Khaatumo.

Somaliland ayaanan weli ka tanaasulin damaceedii ahaa in ay gacanteeda ku soo celiso Laascaanood, oo ay ka arrimineysa 15-kii sano ee ugu danbeysay.

Xiisadan cusub ayaa ku soo beegmeysay, xilli bilihii ugu danbeeyey ay isi soo tarayeen baaqyada ka imaanaya beesha caalamka ururada maxaliga ah, kuwaas oo dhinacyada ugu baaqayey in colaada lagu soo gabagabeeyo wada hadal.

Exit mobile version