Sunday, September 14

Dagaal xooggan oo khasaare gaystay ayaa maanta ka dhacay deegaanka Oog ee duleedka gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeyey Somaliland iyo ciidamada SSC Khaatumo.

Dagaalkan oo billawday Subaxnimadii hore ayaa yimid kadib markii milatariga Somaliland ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Oog, gaar ahaan fariisimadii SSC Khaatumo ay halkaasi ku lahaayeen.

Dhinacyada dagaallamay ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dagaalka uu geystay khasaare xoog leh.

Sida lagu arkayey muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada, dhinacyada ayaa kala qabsaday hub, gawaari dagaal, iyo maxaabiis.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana maamulka SSC Khaatumo ay sheegeen in ay iska caabiyeen kuwii weerarka ku soo qaaday.

Exit mobile version