Friday, September 12

Hay’adda Samafalka ee Somali Community Foundation ayaa gurmad afurin ah u sameysay dad barakacayaal ah iyo kuwo kale oo ay xaaladooda nololeed liidato.

Hay’adda ayaa dadka ku taageertay raashin nuucyo kala duwan isugu jira oo ay dadkan ku moodaan bisha Ramadaan oo iminka gebogebo ah, waxaana dadka tabaaleysan la siiyo raashin isugu jira Bur, Bariis, Sonkor Saliid, Timir iyo Caano.

Hay’adda Samafalka ee Somali Community Foundation ayaa xulatay dadka ugu taagta daran, ee waqtigan u baahan gargaarka, maaddaama lagu jiro bisha Ramadaan.

Hay’adda Somali Community Foundation ayaa gargaarkan gaarsiisay magaalooyin laga xusi karo, Baydhabo, Baraawe, Sanaag Barri, Afgooye iyo duleedka Muqdisho, halkaas oo ay ku nool yihiin boqolaal dad ah oo aad u tabaaleysan.

Hay’adda Somali Community Foundation ayaa sanadihii ugu danbeeyey u istaagtay sidii ay gurmad ugu fidin lahayd dad Soomaaliyeed ee xaaladda adag wajahaya, waana tallaabo bogaadin mudan.

Hay’addan oo ay isugu tageen dad Soomaaliyeed oo muxsiniin ah, ayaa bulshada ugu baaqaya in ay kala qeyb qaataan howsha ay wadaan, waxaana akoonadooda ka mid ah, Dahabshiil 113104554, Salam Bank, 34575790.

Exit mobile version