Saturday, September 13

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa maanta 9,900 oo qoys gargaar ugu qaybisay degmooyinka Dayniile iyo Hodon, sida ay shaacisay SODMA.

Gargaarkan ayaa isugu jira noocyada kala duwan ee raashin quutul daruuriga ah, waxaana qoysaskan u badan yihiin kuwa Barakacayaal ah oo aad u liita.

Sidoo kale Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, oo gacan ka helaysa Hay’adda Cumaan Charity ayaa shalay degmada Xamar-jajab gargaar ugu qaybisay 250 qoys oo iskugu jira danyar iyo Naafo.

Agaasime waxeedka Cafimaadka SoDMA Cabdullaahi Muuse ayaa sheegay in gargaarkan si gaar ah loo gaarsiiyey dadka dan yarta ah.

Gargaarkan la gaarsiiyey degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa ku soo beegmaya xilli lagu jiro Bisha Ramadaan, isla markaana si aad ah loogu baahi qabo gurmad wax ka baddeli kara nolosha dadkan xaaladda adag ku sugan.

Exit mobile version