Sunday, September 14

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta Gaadiid sida Shixnado gargaar ah waxay u dirtay Degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Gaadiidkaan ayaa wada gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, waxaana hay’adda ugu talagashay in la gaarsiiyo shacabka degmadaas iyo degaannada ku xeeran ku nool kuwaas oo dhawaan laga xoreeyey khawaarijta.

Gadiidkaan gargaarka sida waxaa Muqdisho ka sagootiyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, waxana ay ka badanyihiin in ka badan 10 Gaari.

Exit mobile version