Tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kordhayey dadka qurba joogta ee soo gaaraya gudaha Muqdisho, kuwaas oo badankood raadinaya xilal kala duwan in ay ka qabtaan dowladda.
Xoggo ay heshay Warbaahinta Hortabin-Media ayaa sheegaya in siyaasiyiintaasi ay ka tanaasuleen damacoodii ahaa kursiga, sababo la xiriira dagaalka ay dowladdu kula jirto musuqa.
Siyaasiyiintan ayaa markii horeba qorsheynayey, in masuuliyadaha loo magacaabo ay ka sameeyaan dhaqaalle sidii hore u dhici jirtay, balse waa kuwo mowqifkooda ku hungoobay iminka.
Qaarkood ayey wararku sheegayaan in ay dalka isaga tageen, kadib markii ay ka rajo dhigeen naawilada kuraastii ay u xusul duubayeen.
Si kastaba dagaalka ay dowladdu kula jirto musuqa ayaa wax badan ka badalaya siyaasada Soomaaliya, waxana la ogayn ilaa inta uu sii soconayo.