Monday, September 15

(Hortabin Media) – Sirdoonka Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey laba jibaaray dadaalada uu sameynayo ee ku aaddan helida xogaha xubnaha ka tirsan Al Shabaab.

Taliska nabad sugida ayaa howl galiyey dhamaan hay’adaha maamul goboleedyada dalka, taas oo keentay in ay xooganaato wada shaqeynta ka dhaxeysa saraakiisha sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA.

Toddobaadkan NiSA ayaa fashilisay dhowr qarax, oo lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacab ku kala nool gobolka Hiiraan iyo magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Isniintii saraakiisha hay’ada ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay nin ka tirsan Al Shabaab, oo diyaarad ka raacayey garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhaba.

Ninkaas oo magaciisa ku sheegay Cumar Maxamed Ismaacii, magaciisa afgarashadana uu yahay (Nuur) ayaa fashiliyey xogo badan, kuwaas oo muhiim u ah hay’ada sirdoonka Soomaaliya.

Dadaalka hay’ada nabad sugida ayey soo dhaweeyeen inta badan qubarada amniga aqoonta u leh, waxeyna ku macneeyeen in NISA ay gaartay heer mudan in la bogaadiyo.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version