Monday, September 15

(Hortabin Media) –Mudooyinkii ugu danbeeyey meelaha ay dowladdu gacanta ku heyso waxaa ka dhacayey qaraxyo kala duwan, kuwaas oo ay masuuliyadooda sheegtaan Kooxda Al Shabaab.

Qaraxyadan ayaa inta badan khasaare xooggan gaarsiiya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxana kii ugu danbeeyey uu ka dhacay magaalada Baladweyne, halkaas oo ay dad rayid ahi ku geeriyoodeen.

Haddaba Sidee looga hortagi karaa qaraxyadan oo inta badan ah kuwo soo noq noqda?

Weydiimahan waxaa ay Hortabin Media hordhigtay qaar ka tirsan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada ku sugan Muqdisho.

Aqoonyahanada qaar ayaa ku talinaya in ciidamada dowladda ay xoojiyaan baaritaanada ay ku sameynayaan gaadiidka kala duwan, taas oo kaalin weyn ka geysaneysa badbaadinta nolosha muwaadiniinta.

Aqoonyahanadan iyo siyaasiyiintan ayaa sidoo kale soo jeediyey in sare loo qaado xiriirka ka dhaxeeya hay’adaha amniga dalka, si ay isku weydaarsadaan xogaha muhiimka ah ee la xiriira amniga.

Ugu danbeyntii Indheergaradkan ayaa shacabka ugu baaqay in ay feejignaan dheeri ah la yimaadaan, maaddaama ay yihiin kuwo khasaaraha ugu badan uu soo gaarayo, waana in ay si dhaw ula shaqeeyaan hay’adaha amniga isla markaana ay soo sheegaan wixii ay ka shakiyaan.

Exit mobile version