Sunday, September 14

Kooxda Al Shabaab ayaa labadii toddobaad ee ugu danbeysay kordhisay weerarada ay ka fulineyso magaalada Muqdisho.

Weeraradan oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Haddaba Sidee looga feejignaan karaa weerarada ay Al Shabaab ka geysanayaan caasimada, waxaa arrintaan aragtidooda ka dhiibtay qaar ka mid ah qubarada amniga aqoonta u leh.

Qubarada falanqeeya arrimaha amniga ayaa soo jeedinaya in sare loo qaado wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha amniga, taas oo wax badan ka tari karta fashilinta falalka ay maleegayaan Al Shabaab.

Waxaa kale oo ay qubaradu soo jeedinayaan in dowladda ay wanaajiso xiriirka kala dhaxeeya shacabka, isla markaana ay ku abuurto kalsooni, si ay usoo gudbiyaan xogaha kuwa dhibaatada qorsheynaya.

Exit mobile version