Thursday, September 11

Arbacadii aynu ka soo gudubnay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo dhanka Saadka ka taageerta dowladda Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu caga dhigatay deegaanka  Xiin-dheere oo qiyaas ahaan 500km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda.

Sidoo kale waxaa jira warar is khilaafsan oo sheegaya in diyaarad uu haleelay garneyl ay tuureen Al Shabaab taana ay keentay in si deg deg ah ay ugu degto Xiin-dheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa waxa ay agab caafimaad ka soo daad gureysay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, waxaana ay ku sii jeedday magaalada Wisil, halkaas oo ay yaallaan askar ku dhaawacantay dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Mudug.

Sida wararku sheegayaan diyaaradan waxaa saarnaa dad tiradooda lagu sheegay 8 qof, kuwaas oo ilaa maanta gacanta ugu jira Al Shabaab.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay oo ah hay’adda ugu weyn ee ka shaqeysa arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay joojisay dhammaan duullimaadyadii ay ku tagi jirtay deegaannadaas, waana natiijada cabsida ka dhalatay diyaaradda u gacan gashay Al Shabaab.

Hal qof ayaa ku dhintay weerarka ay Al Shabaab ku qabsatay diyaaradda, iyadoo labo kalana ay baxsadeen, taas oo shaki galineysa caddada dadka ay Al Shabaab u heystaan afduub ahaanta, sida ay xoguhu sheegayaan.

Al Shabaab oo dagaal culus kula jirta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya, ayaa ka gaabsatay ka hadalka dhacdadan, waana arrinta abuureysa shakiga aadka u badan.

Exit mobile version