Sunday, September 14

Gudaha Madaxtooyada Garoowe waxaa maanta ka dhacday xaflada Caleema saarka Saciid Cabdulaahi Deni, kaas oo dib loogu doortay Madaxweynaha Puntland

Caleema saarka Deni ayaa u dhacay si qurux badan waxaana ka soo qeyb galay madax kala duwan, oo uu ka mid yahay madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen, oo madasha ka hadlay wuxuuna arrin wanaagsan ku tillmaamay in la gudo galo furitaanka dastuurka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isna bogaadiyey doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa 5-ta sano ee soo socota hoggaamin doona Puntland, waxaana la ogsoon yahay in Deni, uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda dhexe, kaas oo aan la ogayn sida loo xalin doono.

Exit mobile version