Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex Ruux ayaa Cudurka Shuban-biyoodka u geeriyooday, halka kuwo kalana ay la il daran yihiin, gudaha deegaanno hoostaga magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe
Sida ay sheegayaan maamulka Jowhar,
Degaannada Saar-saare iyo Gololeey Magacle ayaa ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, waxaana halkaasi ku geeriyooday seddex qof oo ka mid ah dadka deegaanka.
Xaaladda ayaa iminka ah mid halis ah, waxaana deegaanadaasi buux dhaafiyey bukaano la il daran xanuunka Shuban Biyoodka, xilli deegaanadaas aanay lahayn xarun Caafimaad.
Xoghayaha guud ee dowladda Hoose ee Magaalada Jowhar Maxamuud Xasan Bariise ayaa dalbaday in gurmad caafimaad loo fidiyo dadka xaaladda adag wajahaya.
Maamulka Jowhar ayaa sidoo kale hay’adaha caalamiga iyo dowladda dhexe ka dalbaday in lagu taageero sidii dadkaasi ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo dhameystiran.