Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ka dilaacay xanuunka Shuban-biyoodka.
Cudurka ayaa dilaacay, xilli dhawaan laga soo laabtay barakacii ka dhashay fatahaada webiga Shabeelle uu ku samaayey Baladweyne.
Caruurta oo ah kuw ugu nugul ayaa ah tirada ugu badan ee uu xanuunku soo ritay, waana kuwa xaaladooda lagula tacaalayo xarumaha caafimaadka.
Ilaa iyo iminka inta la ogyahay 11 qof ayaa u geeriyootay Shuban-biyoodka ka dilaacay Baladweyne, iyadoo kuwo kalana ay la liitaan.