Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka socday magaalada Kismaayo ayaa xalay is-faham buuxa lagu soo gaba-gabeeyay, wuxuuna noqday mid lagu jaangooyay qaab dhismeedka Golaha Mustaqbalka, oo uu muran ka taagnaa maalmihii la soo dhaafay.
Golaha ayaa isku raacday in hannaan saddex geesood ah oo kala ah: Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta loo hago hawlaha golahan. Tan ayaa xal looga gaaray ismari-waaggii maalmahan ka taagnaa hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in Guddiga Farsamada ee uu hoggaamiyo Xildhibaan Cabdullaahi Abuular Xaaji (Carab) inay sii hayaan hawlaha Golaha Mustaqbalka.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale isku afgartay war-murtiyeedkii ay xalay shirweynahooda ka soo saareen, waxaana nuxurkiisa uu ahaa in dhinacyadu isla qaateen dhawrista dastuurkii 2012, kaas oo wax ka beddel ay ku sameysay Dowladda Federaalka.
Wuxuu goluhu waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.
Golaha ayaa sheegay “in Madaxweyne Xasan Sheekh uu beddelay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, uuna afduubay hay’adihii dastuuriga ahaa ee dheelitiri lahaa awoodda laanta fulinta,” uuna ogolaaday in qaar kamid dowlad-goboleedyada ay muddo dhaaf xileed iskaga joogaan madaxtinimada, taas oo ay sheegeen “inay ugub ku tahay siyaasadda.”
War-murtiyeedkan ayaa lagu caddeeyay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay siyaasaddii, amnigii iyo horumarinta dalka, isla markaana uu la yimid siyaasad lagu kala qeybinayo, laguna kala irdhaynayo shacabka Soomaaliyeed.
golaha mustabalka ayaa isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan uu Golaha Mustaqbalka guda galayo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.
Dhinaca kale madaxweyne xasan sheekh ayaa markii ugu horeysay muujiyey biseyl siyaasadeed, wuxuuna fariin u diray mucaaridka ku shiraya kismaayo, isagoo ka dalbaday in ay go’aan ula yimaadaan si uu ugala doodo tabashadooda, wuxuuse ka digay in ay dalka u horseedaan fowdo iyo qalalaase.
Si kastaba, dhinacyada ayaa weli umuuqda kuwo aad u kala fog waxaana lagu wadaa in 25-ka bishan ay qabsoonta Doorashooyinka qof iyo cod ah, ee lagu soo dooran doono goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir , xilli ilaa waqtigan ay halkeedii joogto diidmada mucaaradka, iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland.
