Sunday, September 14

Shirka Wadatashiga Miisaniyadda Dowlada ee 2025 ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana lagu lafa guray arrimo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa maanta ka qeyb galay Odoyaasha dhaqan ka, Haweenka, Ganacsatada iyo Ururrada Bulshada Rayidka, kuwaas oo madaxda wasaaradda usoo jeediyay su’aalo la xariira hanaanka miisaniyadda Qaranka ee 2025 ka.

Shirka oo furmay shalay waxaa maanta kusoo biiray Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Biixi Iiman Cige iyo wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi, kuwaas oo hadalo muhiim ah madasha la jeediyey.

Kulanka Wadatashiga Miisaniyadda Dowlada ee 2025 ayaa lagu gorfeynayaa hannaanka miisaaniyada dalka iyo sidii loogu sameyn lahaa qorshe ay bulshadu wada ogtahay.

Exit mobile version