Waxaa Maanta lagu wadaa inuu furmo shirka urur goboleedka IGAD, kaas oo sida la qorsheynayo looga hadlayo xiisada ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya, ee ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Addis ababa.
Shirkan maanta furmaya ayaa waxaa xubnaha urur goboleedka IGAD ka tirsan iskugu yeedhay dawladda Jabuuti oo haysa madaxtinnimada ururka, si xaaladaha soo cusboonaaday looga wada hadlo.
Shirkan waxaa madaxda ka soo qeyb galeysa martiqaadday dowladda Jabuuti, taas oo waqtigan xoogga saareysa sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhex oogan Soomaaliya iyo Itoobiya
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Jabuuti dhowaan Shirkan ayaa waxaa sidoo kale looga wada-hadalayaa colaadda Sudan oo iyaduna ah mid daba dheeraatay, isla markaana xal loo waayey.
