Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedyada Galmudug, waxaana shirkan oo uu gudoominayo Madaxweynaha Soomaaliya ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxda maamul goboleedyada dalka marka laga reebo maamulka Puntland.
Shirkan ayaa daba jooga shirkii dabayaaqadii bishii May lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa mudada uu socdo in looga wada hadlo qodobo ay ka mid yihiin amniga, dhameystirka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, sida uu ina wadaagay la taliyaha arrimaha bulshada ee Madaxweynaha Galmudug Axmed Shire Falagle oo ku sugan Dhuusamareeb.
Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba in shirkan uu ku soo aaday waqti xasaasi ah, intiisa badana lagu gorfeyn doono arrimaha ku qotoma amniga dalka sida uu tilmaamay Wasiirkii hore ee Batroolka Maxamed Muqtaar Ibraahim.
Shirka golaha wadastashiga qaran ayaa waxaa mudoyinkii ugu danbeeyey ka maqnaa dowlad goboleedka Puntland, taas oo dhaawici karta go’aamada ka soo baxa.
Shirkan ayaa marka uu soo gabagaboobo waxaa la filayaa in laga soo saaro Warmuriyeed ay ku idil yihiin qodobada ay isku fahmeen dhinacyada ka qeyb galaya.