Waxaa Maanta Muqdisho ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle & Koofur Galbeed, waxaana shirka ka maqan madaxweynaha Puntland.
Shirka waxaa diirrada lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin Amniga Dalka, howlgalka wajiga labaad ee la dagaalka ‘AS’ iyo Arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.
Maamulka Puntland oo shirka ka maqan ayey xaaladeedu abuureysaa dareen gaar ah, xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in xiisada ka taagan Garoowe ay sii kordheyso.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaan shir Guddoominaya, waxa ay Madaxda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay uga arrinsanayaan sidii loo dhaqangelin lahaa qodobada ay kawada hadlaan.